Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono Iran si uu u dhamaystiro heshiisyada cusub ee uu la galayo Tehran, taas oo noqotay saaxiibka ugu wayn ee dalkiisa ee kordhinta wax soo saarka saliida iyada oo uu Maraykanku cunaqabatayn saaray.
“Waxaan aadi doonaa dhawaan Tehraan booqasho uu soo jeediyay Madaxweyne (Ibraahim) Raisi si aan shakhsi ahaan u kulano si aan u wada hadalno oo aan u saxiixno heshiisyo cusub.
Iyo in la dedejiyo hababka iskaashiga,” Maduro ayaa sidaas ku sheegay wareysi uu siiyay Al-Mayadeen ee qeybta afka Isbaanishka. , kaas oo markii dambe laga sii daayay telefishinka qaranka Venezuela.
Venezuela iyo Iran ayaa xoojiyay xiriirkooda tan iyo sanadkii hore.