Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-“Waxaan u mahadcelinayaa Kylian iyo Zlatan. Waxay ahaayeen kuwo aad muhiim ugu ahaa kooxda. Nasiib bay ahayd in xilli-ciyaareedkan aan si fiican u ciyaarno xitaa isaga(Kylian) la’aantiis.
“Waxaan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan oo uu ku qaato Real Madrid — ilaa ay dhacdo inuu PSG ka hor imaado,” ayuu yiri Al-Khelaifi.
Mbappe ayaa ka tagay PSG xagaagii hore isagoo ku biiray Real Madrid kaddib markii uu dhammaaday qandaraaskiisii uu kula joogay kooxda reer Paris.
Si kastaba ha ahaatee, bixitaankiisa ma uusan noqon mid sahlan. PSG waxay si aan cadaalad ahayn ugu dagaalantay sii joogistiisa, iyagoo qayb ka mid ah gunooyinkiisa iyo mushaarkiisa duudsiiyay. Arintaasi waxay ku dambaysay maxkamad ku taalla magaalada Paris.