Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya ayaa sheegay, in cid kasta oo ku xad-gudbay qowmiyadda Druze ee dalkaasi lala xisaabtami doono, ka dib iska horimaadyo ay ku dhinteen in ka badan saddex boqol iyo konton qof.
Axmed al-Sharaa ayaa hadlay kadib markii ciidamada Suuriya ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada ay ku badanyihiin qowmiyaddaas Druze ee Sweida.
Waxa uu sheegay in mas’uuliyadda amniga deegaanada Druze uu ku wareejinayo odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxa uu ku eedeeyay Israa’iil in ay “bartilmaameed ballaaran” ku hayso goobaha rayidka iyo dawladda Suuriya
Israa’iil waxay sheegtay in ciidamada Suuriya ee ku sugan Sweida ay weerar ku qaadeen dadka rayidka ah ee Druze, Arbacadiina waxay duqeymo xagga cirka ah ku qaadeen goobaha dowladda Suuriya oo ay ku jiraan wasaaradda gaashaandhigga iyo madaxtooyada.