Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xildhibaannada dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa u codeeyay in xilka laga qaado madaxweynaha ku meel gaarka ah ee waddankaasi Han Duck-soo.
Arinkan ayaa ku soo aadaya laba toddobaad ka dib markii baarlamaanka dalkaasi uu u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweynihii waddankaasi Yoon Suk Yeol.
192 xildhibaan ayaa codkooda ku taageeray xil ka qaadista Han Duck-soo.
Ra’iisul wasaare Han ayaa xilka la wareegay ka dib markii madaxweyne Yoon uu baarlamaanka ka saaray xafiiska iyadoo loo aaneynaya inuu ku dhawaaqay amar awood buuxda siinaya militariga waddankaasi.
Han ayaa la rabay in uu dalka ka saaro qalalaasaha siyaasadeed balse xildhibaannada mucaaradka ayaa ku dooday in uu diiday dalabaadka ah in la dhameystiro hannaanka xil ka qaadista Yoon.
Sharci yaqaannada ka tirsan xisbiga talada haya ee Kuuriyada Koonfureed ee (PPP) ayaa mudaaharaad dhigay ka dib markii guddoomiyaha baarlamaanka Woo Won-shik uu ku dhawaaqay in 151 cod oo keliya loo baahan yahay si loo meelmariyo hindise sharciyeedka xil ka qaadista.