Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo si weyn looga hadlay saamaynta ay geysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aanan wanaagsanayn islamarkaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen.
Mar uu Madaxweynaha Jubbaland ka hadlayay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka ayuu sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay, halka dadka barakacay guud ahaan Jubbaland ay yihiin 90,000 oo qoys, waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya