Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka

0
354

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ee Magaalada kismaayo ku qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelmann,

Waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Safiirada dalalka Norway, Sweden, Netherlands iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Madaxweynaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaalada abaaraha ee Jubbaland ka jira taas oo ay la qabto qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha kala guurka ah.

Waxaa Madaxweynuhu uu sheegay in gurmadka gargaar ee hadda loo baahan yahay uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee lagu samata bixinayo dadweynaha ay abaartu saamaysay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dadaalada socda ay u baahan yihiin kaalmo dheeraad ah isla markana ay jirto xaalad daran oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho gaar ahaan biyo yaraan daran oo Wali meelaha qaar ka jirta isla markana xoolaha iyo dadkuba ay la daala dhacayaan.

Xoolaha nool ayuu Madaxweynahu xusay in xalafkii ay u baahnayeen ayna helin taas oo sababtay in xoolo badan ay dhimanayaan bilihii lasoo dhaafay guud ahaan Jubaland.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noqnoqday ay yihiin kuwo u baahan xal waara oo guud ahaan dalka lagaga samata bixinayo.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka koobad ee Jubbaland Maxamuud Sayid aadan qaar kamid ah golaha wasiirada gaar ahaan wasiirada gargaarka iyo biyaha iyo Masuuliyiin kale.