Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay dhismaha wadada laamiga ah wajiga labaad ee mashruuca Nagaad

0
58
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay labo wado oo laami ah oo dheerarkoodu yahay 4.50km.
Labadan wado oo kamid ah mashruuca dhismaha wadooyinka Magaalada Kismaayo wajigiisa labaad oo ka kooban 9.2km ayaa wax badan ka badali doona isku socodka iyo bilicda Magaalada Kismaayo.
Masuuliyiin katırsan golayaasha kala duwan ee heer Federaal oo uu hogaaminayay Wasiirka howlaha guud Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah iyo Jubaland ayaa ka qeybgalay munaasabadan kooban iyadoo Madaxweynahu uu sheegay in dadku hada ay dareemeen ahmiyada wadooyinka isla markana cabashooyinkii hore ee ka iman jiray goobaha wadooyinka laga banaynayo hada ayna ahayn sidii hore.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya