Madaxweynaha Jubbaland iyo James Swan oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0
271

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka iyo sidii qaramada Midoobay ay u tageeri lahayd dadaalada socda.

Xubnaha beesha caalamka ayaa kulamo ay la qaadanayaan madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho,kuwaasi oo Muqdisho u yimid si ay ugu qeyb galaan shirka golaha wadatashiga qaranka oo horey uu u iclaamiyay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.