Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa digreeto kasoo baxday Xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay wasiiro iyo ku xigeeno iyadoona uu isku badalay Wasaaradaha qaar si loo dardar galiyo ayuu yiri shaqada loo hayo bulshada.
Madaxweynaha ayaa Cabdiraxmaan Cabdi Axmed waxa uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheeynta iyo xiriirka caalamiga ah, halka uu sidoo kale u magacaabay Axmed Xasan Cumar wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland.
Farxaan Mushtaar Daauud ayuu Sidoo kale u magacaabay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Qorsheeynta iyo xiriirka caalamiga, halka uu Maxamed Cusmaan Jaamac u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in magacaabistaan uu sameeyay kadib latashiyo uu la sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland.