Madaxweynaha Jubaland oo amar kasoo saaray Dhulalka ay daganyihiin dadka ku barakacay gudaha dalka.

0
268

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo kormeero kala duwan ku tagay xeryaha qaxootiga ah ee ay ku nool yihiin dadka ay saamaysay abaarta gaar ahaan barakacayasha ku nool kaamamka ku yaalo Degmooyinka Dhoobley iyo duleedka Kismaayo ayaa dhagaystay baahiyahooda iyo adeegyada muhiimka ah oo ay u baahanyihiin.

Hooyooyin da’a ah caruur odoyaal iyo dad la il daran abaarta iyo xanuuno kale ayaa Madaxwaynaha Jubaland waxa ay u sheegeen in dhibaatooyin ay kala kulmaan goobaha ay deegaan ahaan u daganyiihin iyo gurmadyada oo aan inta badan si wanaagsan loo soo gaarsiinin.

Madaxwaynaha Jubaland oo ka fa’iideesanaya munaasabada ciidul adxaha ayaa boqolaal dad ah oo isugu jira masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubaland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan waxa uu faray in loo gurmado dadka dhibaateysan isla markaana adeegyada la gaarsiinayo loo eego hadba sida ay ukala itaal daranyihiin.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa