Madaxweynaha Jabuuti & Amiirka dalka Qatar oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah

0
217

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle ayaa Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa uu kulan gaar ah kula yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha Jabuuti oo Turkiga uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Turkiga & Afrika ayaa Amiirka dalka Qatar waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo rajada laga qabo in la horumariyo, iyadoo sidoo kale ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo ay wadaagaan.

Kulanka waxaa ay sidoo kale uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dal, isla markaana wadashaqeynta labada Dowladood ay noqdaan kuwo joogto ah.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jabuuti ee kamid ahaa wefdiga rasmiga ah ee la socday Madaxweynaha.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay saameyn ballaartan ku leedahay qaar kamid ah dalalka Afrika.