Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Saraakiishii kacdoonka Hiiraan

0
154

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa Magaalada Baladweyne kulan kula qaatay Nuur Dheere oo ka mid ahaa xubnaha golaha kacdoonka gobolka Hiiraan ee ka soo horjeeday maamulka Hirshabeelle.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo saraakiil ciidan.

Qoraal lagu dabacay boga Facebook ee madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Nuur Dheere uu madaxweynaha ka raali galiyay qatafkii yaraa ee ka dhacay waxaa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha, iyadoona Madaxweynaha uu bogaadiyay imaansha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galinta.

Sidoo kale qoraalka lagu dabacay boga madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu inta badan xaliyay tabashooyinkii jiray islamarkana uu sii wadi doono kulamada uu la qaadanayo bulshada.

Nuur Dheere ayaa ka mid ahaa hogaanka sare ee golaha kacdoonka gobolka Hiiraan kuwaasoo muddo ka badan sannad ka soo horjeeday imaatinka madaxweynaha Hirshabelle ee Baladweyne.