Madaxweynaha Hirshabeelle oo mashaariic ka daah-furay degmada Biyo-cadde

0
69

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa daah-furay Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare ee degmada Biyo-Cadde.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax-dhiggay:

  1. Xarunta Degmada
  2. ⁠Saldhigga Booliska
  3. ⁠Garoonka Kubbadda Cagta
  4. ⁠Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka
  5. ⁠Leyrarka cadceeda ku shaqeeyo

“Iskuulka aan ka hirgelinay degmada Biyo-Cadde waxaan rajeynaa inuu soo saari doono arday tayo leh.”

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalin ka hor ku dhowaaqay in ay Degmo tahay Biyo-Cadde, taas oo haatan loo dhmaystirayo dhammaan adeegyadii bulshada.