Madaxweynaha Hirshabeelle oo balan qaaday in gargaar la gaarsiin doono dadka ay abaarahu saameeyeen “SAWIRRO”

0
306

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulanka warbixin uga dhageystay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka, iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga barxiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad deg deg ah loogu sameeyo deegaanada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

Mudane Cali Guudlaawe ayaa balan qaaday in gurmad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaannada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jiraan ee Gobolka Hiiraan.