Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyay inay deg deg ku bilaabayaan doorashada.

0
165

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo doorashada kuraastii ugu horeysay ee golaha shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Maamulka Galmudug.

Qoor Qoor oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in lagu guda jiro waqtigii doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharixiinta kuraasta Golaha Shacabka & Odayaasha dhaqanka inay diyaar garoobaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in doorashada waqtigii loogu talo galay ay dhaaftay sidii la rabayna aan loo qaban, hayeeshee Maamulka Galmudug uu u diyaarsan yahay qabashada Shantii kursi ee ugu horreeysay Golaha Shacabka, isla markaana guddiga doorashooyinka laga rabo inay shaaciyaan waqtiga doorashada.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ka murugeysan tahay walwalka uu Ra’iisul Wasaaraha ka qabo doorashooyinka ayna ka go’an tahay inay muddo saddex cisho gudahood ah ku qabtaan doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Doorashada Soomaaliya ayaa dib uga dhacday waqtigii loogu talo galay, waxaana ilaa iyo hadda kuraasta Golaha Shacabka laga doortay laba kursi, waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda ay dhacaan doorashada kuraas kamid ah Golah shacabka.