Madaxweynaha Faransiiska oo wacad ku maray inuu maalmo gudahood ku magacaabi doono raysal wasaare.

0
77

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay, in uu “maalmaha soo socda” magacaabi doono raysal wasaaraha cusub ee dalka, kadib markii codka kalsoonida uu waayay raysal wasaaraha dalkaas, kadibna uu is casilay.

Hadal uu Khamiisti qaranka u jeediyay oo socday ilaa 10 daqiiqo, ayaa waxaa uu diiday baaqaa uga imanaya mucaaradka oo ah inuu xilka iska casilo, isagoo wacad ku maray inuu “si buuxda” u sii joogi doono booskiisa, ilaa dhamaadka xil heyntiisa oo ku eg sanadka 2027-ka.

Xildhibaanada Fransiiska ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in xukunka laga saaro dowladda raysal wasaare Barnier Arbacadii, keliya saddex bilood kadib markii uu magacaabay madaxaweyne Macron.

Arrintan ayaa waxay ka dhalatay muran xaga maaliyadda ah, oo ay si weyn u diideen xildhibaanadu.