Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa waxaa maanta wadanka Jarmalka uga billaabanaya safar rasmi oo saddex cishe ah.
Intaasi ka dib , waxay labada dal yeelanayaan shirka golaha wasiirrada oo ay ku xoojinayaan midnimadooda ka hor inta aan bisha soo socoto la qaban doorashada baarlamaanka Midowga Yurub ee EU-da.
Safarka Macron uu ku tagaya magaalada Berlin iyo kuwo kale ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo uu madaxweyne ka soo jeeda Faransiiska uu ku tago Jarmalka muddo 24 sano ah.
Emmanuel Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ku kala duwan habkooda hoggaamineed waxayna horay aragti kala duwan si fagaare ah uga muujiyeen arrimaha difaaca iyo tamarta nukliyeerka.
Hasa ahaate, waxay waayihii dambe sameynayeen isu tanaasul ku aaddan isbeddelka maaliyadeed , ganacsiga , midnimada iyo heshiisyo ay gaaraan xubnaha Midowga Yurub.