Dani Alves oo sheegay hal sabab ay nasiib ku yeelatay Real Madrid xilli ciyaareedkan

0
383
BARCELONA, SPAIN - NOVEMBER 17: Dani Alves reacts as he is presented as a FC Barcelona player at Camp Nou on November 17, 2021 in Barcelona, Spain. (Photo by David Ramos/Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Xiddiga Barcelona Dani Alves ayaa muujiyay fikirkiisa ah in Real Madrid ay xilli ciyaareedkan nasiib ku leedahay tartanka horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa ku dhow in loo caleemo saaro horyaalnimada Spain, maadaama ay kaalinta koowaad ku jirto 78 dhibcood leedahay, 15 dhibcood nadiif ah ayeey ka sarreysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Barcelona, 5 kulan kahor dhammaadka xilli ciyaareedka.

Wargeyska Sport ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Xiddiga Barcelona Dani Alves, wuxuuna yiri:

“Real Madrid nasiib ayeey lahayd, sababtoo ah waxaan ka daahnay inaan gaarno heerkeena ugu fiican , waa nasiib darro nagu dhacday.”

“Si kala duwan ayaan ula tartami karnay iyaga, laakiin noloshu sidan bay ku socotaa, goor dambe ayaan nimid, waxaanan sameynay dadaal weyn.”

Si kastaba ha noqotee, Barcelona ayaa xalay saddexda dhibcood si dirqi ah kaga soo heshay Real Sociedad oo ay ku booqatay garoonka Reale Arena, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.