Madaxweynaha Brazil oo canshuurta Trump ku tilmaamay kuwo aan la aqbali karin.

0
51
BRASILIA, BRAZIL - OCTOBER 25: President of Brazil Luiz Inácio Lula da Silva speaks during an event at Palacio do Planalto as first appearance after suffering a domestic accident on October 25, 2024 in Brasilia, Brazil. Lula Da Silva suffered an accident in the bathroom of his home last saturday causing a big hit and a cut in the rear of his head. The Brazilian president cancelled his trip to Russia. (Photo by Claudio Reis/Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa si kulul uga hadlay hanjabaaddii Madaxweyne Trump ee ah in uu saaro canshuur dhaafyo adag oo ku saabsan dalkiisa, isaga oo ku tilmaamay “”Cabsi gelin” aan la aqbali karin.”

Toddobaadkii hore, Trump ayaa ugu hanjabay Brazil in lagu soo rogi doono canshuur dhaafyo gaaraya 50%, isla markaana ku baaqay in la joojiyo maxkamadeynta, madaxweynihii hore ee midigta Jair Bolsonaro, kaasoo lagu eedeeyay isku daygii uu ku doonayay inuu wax ka beddelo doorashadii Brazil ee 2022.

Madaxweyne Lula oo khudbad ka jeedyey telefishan ayaa sheegay in aanu dal kale amar siin doonin, isagoo intaa ku daray in Brazil ay sii wadi doonto nidaaminta iyo canshuuraha lagu soo rogo shirkadaha tiknoolajiyadda Mareykanka