Madaxwayne Trump oo ballanqaad u sameeyay dadka reer Qaza.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu bilaabo qorshe cusub oo bini’aadantinimo oo lagu horumarinayo gargaarka cunnada ee marinka Qaza.

Tani waxay timid ka dib markii ergaygiisa gaarka ah, Steve Witkoff, uu booqday goob gargaar lagu qaybinayo oo ay maamulaan Mareykanka iyo Israa’iil oo ku taal Qaza.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in hadafkiisu yahay “in uu ku caawiyo dadka Gaza si ay u noolaadaan.”

Website-ka Mareykanka ee Axios ayaa ka soo xigtay Trump Jimcihii isagoo ku dhawaaqayay inuu ka shaqeynayo qorshe dadka lagu quudinayo.

Ergeyga Mareykanka Steve Witkoff ayaa booqday Gaza Jimcihii, isagoo ballan qaaday in la kordhinayo gargaarka iyadoo cadaadiska caalamiga ah ee Israa’iil uu kor u kacayo islamarkamna xaaladda bini’aadantinimo ee Marinka uu ka sii darayo.

Human Rights Watch waxay dhaleecaysay nidaamka qaybinta gargaarka ee ay samaysteen Israa’iil iyo Maraykanku iyada oo loo marayo Hay’adda Gargaarka ee Gaza, waxayna ku tilmaantay “dabin dhimasho” oo loo geystay dadka deggan Marinka Gaza