Madaxwaynaha Koonfur Afrika oo ka qayb galaya kulan-madaxeedka dalalka G7

0
157

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay inuu ka qeyb geli doono shirka dalalka G& 7oo bishan June 11ka ilaa 13ka ka dhici doona Magaalladda Carbis Bay ee dalka Britain.

Waxa kale oo sheegay in kulanka hoggaamiyayaasha dalalka ururka G7 looga xaajoon doono ganacsi xor ah oo hufan, isbedelka cimilada iyo ka-soo-kabashada caalamka ee Cuddurka COVID 19.

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb geli doona hoggaamiyayaasha toddobada waddan ee xubnaha ka ah ururkaG 7, kuwaasi oo ah Maraykanka, Ingiriiska, Japan, Ruushka, Kanada, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Casuumaada shirka ee Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa timid kadib markii uu door xasaasi ah ka soo qaatay hawlgalladii ay dalalka Qaaradda Afrika kaga hortageen xanuunka COVID 19, iyadoo uu Madaxweyne Ramaphosa uu sanadkii hore ahaa Guddoomiye Meertada ee Ururka Midowga Afrika.