Madaxwaynaha Kenya oo sheegay inay jirana dad doonaya inay dowladiisa Afgambiyaan.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shalay sheegay inay jireen dad maleegaya qorshe lagu afgambinayo dowladda ka dib dibadbaxyo rabshato oo muddooyiinkii u dambeeyya dhacayay.

“Waxay rabaan inay abaabulaan fowdo, abaabulaan mudaaharaad, gubaan hantida dadka, oo ay dhimasho ka geystaan ​​Kenya si ay u afgambiyaan dowladda… ka hor 2027,” ayuu yiri madaxwayne Ruto.

Ugu yaraan 31 qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyadii 7-dii July, sannad-guuradii 35-aad ee dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyad-doonka Saba Saba, taasoo tirada dhimashada ka dhigaysa 59 mudaaharaadyadii dhawaan dhacay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua, oo baarlamaanka ay xilka ka xayuubiyeen bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, kaddib markii ay isku dhaceen Ruto, ayaa beeniyay hadalka Ruto, wuxuuna yiri “95% dadka Kenyaanka ah waxay rabaan inay kugu ceebeeyaan doorashada”.