Madaxwaynaha Galmudug oo xariga kajaray dhismaah cusub ee hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha ee Dhuusamareeb

0
66

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee laanta afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo laga hirgeliyay Magaalada Dhuusamareeb.

Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah Qaranka, waxaana ay dadku ka heli doonaan baasaboorrada iyo adeegyada kale ee socdaalka sida ay sheegeen madax ka tirsan hay’adda socdaalka.

Maxamed Cali Samow.ayaa fah-faahinaya