Madaxa mucaaradka ee Kuuriyada Koonfureed oo la tooriyeeyay

0
69

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa lagu soo warramayaa in qoorta mindi laga geliyay hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Kuuriyada Koonfureed ,Lee Jae-myung.

Weerarkan ayaa lala eegtay xilli uu booqasho ku tagay magaala xeebeedda Busan ee Koonfurta Bari ee wadankaasi Waxaa diyaarad loogu soo qaaday caasimadda dalkaasi ee Seoul si uu u helo daryeel caafimaad.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu gaystay nin ka soo dhex baxay dad badan oo halkaasi ku sugnaa xilli uu madaxa mucaaradka la socday wariyaal.
Booliiska ayaa sheegaya in xaaladda siyaasigan aynan hadda aad u liidan.
Waxay intaasi ku dareen in la xiray tuhmanaha falkaasi gaystay oo aan weli magaciisa la shaacin.