Madasha la xisaabtanka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Hirshabelle oo laga daah furay Jowhar.

0
60

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Si loola xisaabtamo Hay’addaha fulinta Maamul Goboleedka Hiirshabeelle Gaar ahaan Wasaaraddaha ayaa Maanta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe waxaa uu daah furay Shirka madasha Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle.

Shirkan ayaa inta uu socday Su’aalo lagu weydiinayay Agaasimayaasha iyago soo bandhigay waxyaabihii u qabsomay.

Marka uu kulanku soo idlaaday ka dib ayaa waxaa Warbaahinta lahadlay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hiirshabeelle Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane isago fah-faahin ka bixiyay waxyaabihii loogaga kulanka.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya