Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga kooxda Chelsea ee Didier Drogba ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in Arsenal iyo Paris Saint-Germain midkoodna uusan ku guuleysan doonin tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
PSG ayaa guul 1-0 ah ka gaartay Arsenal lugtii hore ee semi-finalka kulan ka dhacay Emirates Stadium todobaadkii hore.
Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou barbardhac 3-3 ah kula gashay kooxda Inter Milan.
Markii la waydiiyay kooxda uu doorbidayo in uu arko in ay gaadho final champions league midkood Arsenal ama PSG Drogba ayaa u sheegay RMC Sport: “Runtii ma rabtaa inaad ogaato jawaabta? ‘Midkoodna ma doonayo in ay gaadho Final Champions League”.
Halyeeyga premier League ayaa sheegay in uu doonayo kooxaha Inter ama Barcelona midkood ku Guulaysato Champions League.