Maciishadda magaalada Kismaayo oo sare u kacday

0
361

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Suuqyada magalada Kismaayo waxaa ka jiro qiimo korar dhanka noocyada kala duwan ee maciishadda Quutul duruuriga, waxaana heerkii ugu sareeyay gaaray qiimaha Sonkorta, burka, Saliida iyo Bariiska.

Qiimo korarkaan ayaana saameyn ku yeeshay dadka ku nool Kismaayo oo ubadan Qoysas danyar ah,xilli ay abaaro xooggan ka jiraan deegaanada Jubbaland.

Luul jaamac waa hooyo ku nool magaalada kismayo waxay sheegtay in qiima kororka suuqa uu sababay in suuqa iyado oo fara Maran ay kaso laabato islamarkaana ay ka soo iibsan wayso wax maciishad ah.

Faduma aden katela gudoomiyaha ururka haweenka gobolka jubada hoose ayaa ka hadashay saamaynta qiima kororka suuqyada magaalada kismayo ka jira waxayna dowlada iyo ganacsatada ugu baaqday in la raqiisiyo maciishada oo heerkii ugu sareesay gaartay.

Loorka sokorta suuqyada magaalada kismayo ayaa xilligan marayaa 32 dollar waxaana markii hore uu ahaa 21 dollar waxuuna qiima kororkaan saamayn badan ku yeeshay bulshada danyarta ee ku nool magaalada kismayo.

Maxamed Cali Samow. ayaa Warbixintan ku eegaya