Maba Naxayo!!! Lisandro Martinez Oo Ku Taageeray Andre Onana Inuu Ku Qayliyo Harry Maguire

0
103

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Difaaca reer Manchester United ee Lisandro Martinez ayaa ku taageeray goolhayaha kooxdiisa ee Andre Onana inuu ku qayliyey Harry Maguire ciyaartii saaxiibtinimo ee Borussia Dortmund, waxaana uu u sheegay in uu halkaa kasii wado oo uu canaanto.

Onana ayaa loo jeediyey dhalleecayn maadaama si aan fiicnayn uu ula dhaqmay difaaca reer England ee Harry Maguire oo ku jira xaalad adag, isla markaana toddobaadkii hore laga xayuubiyey kabtannimada oo lagu wareejiyey Bruno Fernandes, halka Ten Hag aanu kusoo darin xataa liiska ku-xigeennada.

Goolhayaha reer Cameroon ee dhowaanta ay Manchester United kala soo wareegtay Inter Milan, ayaa waxa uu ka cadhooday baas qaldan oo uu Maguire u dhiibay Christiansen oo ay ciyaartoyda Borussia Dortmund dhaxda ka qabsadeen, isla markaana halis ku geliyeen goolka Manchester United.

Lisandro Martinez oo wax laga weydiiyey sida uu u arko canaanta Onana uu kula kacay Maguire, ayaa yidhi: “Way noo fiican tahay. Haddii aad feejigantahay, si fiican ayaad ula dagaallami kartaa ciyaartoyda kooxdaada. Waxa aad u baahan tahay in aad si dhab ah u hubiso in aad sidii loo baahnaa u ciyaarayo, wax kale oo aan intaa ahayn ma dhicin. Kubadda cagta ayaanay qayb ka tahay.

“Onana waxa uu leeyahay shaqsiyad fiican, waxa uu ciyaari karayaa kubadda cagta, waxaanu la tacaali karayaa cadaadiska, waana hoggaamiye. Waa sidaas qaabka Manchester United. Waxa aan leeyahay nagu  sii wad canaanta.”