Maasjid cusub oo laga dhisay gudaha Xabsiga Dhexe ee Kismaayo oo xariga laga jaray.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrima Dastuurka Dowlada Jubbaland Mudane Cabdiwali Xuseen Jaamac ayaa xariga ka jaray masjid Cusub oo laga dhisay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Kismaayo.

Masaajidkan ayaa loo dhisay si ay u helaan Maxaabiista ku jirta Xabsiga Goob ay ku cibaadeystaan.

Munaasabadda daah furka Masjidka ayaa waxaa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrima Dastuurka Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrima diinta, Xubno ka socday Garsoorka Jubbaland, Ciidamada Asluubta iyo sido kale Masuuliyiin ka tirsan laamaha kale ee Dowlada.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya