Maareeyaha hay’adda duulista rayidka oo shir uga qaybgalaya Kenya.

0
58

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed mudane Axmed Macalin ayaa magaalada Nairobi uga qeyb-galay kulanka guddiga maamulka Hay’adda u qaabilsan Duulista Rayidka Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaano CASSOA.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika iyo qorshe howleedka sanadkan.

Sidookale waxaa kulanka lagu dhameeystiray habraaca ka mid noqoshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Ururka Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika iyadoo dhaarta xubinnimada uu u maray Soomaaliya Maareye Ahmed Macalin Xasan.

Kulankan ayaa ugu dambeeyn looga arrinsaday mideynta shuruucda Duulista Rayidka ee wadamada xubnaha ka ah CASSOA iyo sidii ay xubnuhu isaga kaashan lahaayeen fulinta shuruucda caalamiga ah ee ICAO SARPs.