Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xaafadaha Waabari iyo Kaaboy oo kamid ah Xaafadaha ay ka kobantahay Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa ah xaafado aad uga fog Isbitaalka guud ee ay Dagmadu ledahay.
waxaa horaantii Sanadkii tagay 2021 laga hirgaliyay xafada Waabari goob Caafimaad oo u gaar ah Hooyada iyo Dhalaanka.goobtan Caafimaad ayaa waxaa ganacta ku heysa Ha’yad lagu Magacaabo Pygo.
Dadka dagan Xaafadahaas oo markii hore dhibaato ku qabay in ay gaaraan Isbitaalka guud ee Magaalada gaar dadka la il daran xanuunada ayaa hada ku mashquulsan sida ay daawo ku heli lahaayeen.
Dhanka kale xaruntan Caafimaad ayaa haqab tirtay qaar kamid ah duruufihii Caafimaad ay wajahayeen dadka dagan Xaafadaha sanadihii la soo dhaafay.
Qaar kamid ah dadka bukaan socodka ah una soo daawo doontay xaruntaasi Caafimaad ayaa kawarbixiyay daryeelka Caafimaad ee ay ka helaan xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee xaafada waabari.
Ugu dambeyn Maamulaha xarunta Caafimaadka ee Pygo ayaa isaguna kawaramay waqtigii la as aasay waxa ay qabato iyo halka ay higsanayaan in ay gaadhaan.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya