Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Deegaanka Baar-Sanguuni oo ka mid ah deegaanada hoos taga degmada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa in mudo ah waxaa ka jiray baahiyo dhanka waxbarashada ah.
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sere ee dowlad goboledka Jubbaland ayaa dhawaan deegaanka baarka ka dhistay Dugsi hoose,dhexe, kaasi oo loogu tala galay in wax looga baddalo baahiyaha dhanka wax barashada ah ee deegaanka ka jira.
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Jubada Hoose Saalax Khalaf Xasan oo nooga warbixiyay Waxyaabaha Wasaaradda uga qorshaysan Baahiyaha waxbarasho ee ka jira Baar-Sanguuni iyo Tuulooyinka hoos taga ayaa sheegay in deegaankaasi laga dhisay Goob Waxbarasho oo dhawaan la dhamaystiri doono dhismaheeda si ay dadka deegaanku u helaan adeegyada waxbarasho ee aasaasiga ah.
Bashiir Maxamed Daahir ayaa ka warramaya