Dhoobley(Idaacadda sanguuni)Guddiga Dhismaha wadada Magaalada Dhoobley oo shir ku yeeshay magaalada ayaa sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan waxaana ay intaas ku dareen in ay wadaan Qorsheyaal ay ku hirgalinayaan Waddo laami ah.
Guddoomiyaha deegaanka Dhoobley Siyaad Maxamed Xasan oo shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahanyahay in bulshada ku nool Dhoobley ay doorkooda ka qaataan dhismaha wadada cusub.
waxaana uu ugu baaqay ganacsatada magaalada inay garab istaagaan guddiga, sidoo kale waxaa uu xusay in ay hayaan lacag gaareysa 100,000 oo dollar taasi oo si iskaa wax u qabso ah isaga uruuriyeen dadwaynaha magaalada Dhoobley.
Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaysa:-Xasan Maxamed Abdullahi.