Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Baydhabo waxaa ku soo badanaya dhalinyarada yaryar la tahriibinayo kuwaasi oo loo gacan geliyo kooxaha magafayaasha si waalidiinta ay u bixiyaan lacagaha ay dalbadaan kooxahaasi wax tahriibiya,Waxaa kaloo jira koox Soomaali ah oo la shaqeysta magafayaasha kuwaas oo la sheegeyo in qaarkood ay joogaan Magaalada Baydhabo
Kooxahan ayaa inta Dhalinyarada waxbarashada ku jirta ku Tashkiiliya in ay Tahriibaan islamarkaana laga bixinaayo qarashaadka kadib markii ay baxaan loo gacan geliyo Magefo jooga Liibiya si waalidkiisa u bixiyaan lacag dhan 15Kun ilaa 20kun oo Dollar iyadoo dhalinyarada looga Faa’ideysanyo shaqa la,aanta dalka ka jirta.