Maamulka iyo shaqaalaha Radio Sanguuni oo u dabaal dagay Sanad guuradii 1aad ee idaacadda.

0
237

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabad si heer sara ah loo soo Aagaasimay Islamarkaana logu ku dabaal dagayay Sanad Guuradii kowaad ee kaso wareegatay marki dhidibada loo taagay Idacada Sanguuni ayaa lagu qabtay Xarunta Idacada ee Magaalada Dhoobley munaasabada ayaa waxaa kaso qeeb galay Maamulka Deegaanka Dhoobley, Maamulka iyo hawl-wadeenada Idaacada,Guudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Kalsan,Ururada Haweenka Deegaanka, ganacsatada, Bahda Caafimaadka iyo qaar kamid ah bulshada Rayidka.

Ugu horayn waxaa munaasabada daah furay Aagaasimaha Raadiyaha Xasan Maxamed Cabdulahi oo ka warbixiyay waxqabadkii Idaacada mudadii sannadka ahayd ee ay hawada ku jirtay.

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddoomiye xaafadyeeyada Deegaanka Dhoobley Rabiic Axmed oo dhankiisa munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu siweyn u bogaadinayo waxqabadka Idaacada mudadii Sanadka aheyd ay shaqayneysay Dhoobley isagoona ku booriyay in sii lababa laabto shaqada ay u heyso Bulshada Deegaanka.

Sido kale Aagaasimaha Isbitaalka guud ee Magaalada dhobley Dr Sugaal Faarax oo madasha ka hadalay ayaa ku dheeraaday doorka ay Idaacadu ka qaadatay dhanka Caafimaadka iyo wacyi galinta bulshada isago xusay in ay door muuqda ay ka qaatay mudadii Sanadka aheyd ay shaqeyneysay Dhoobley.

Ugu danbeyn waxa munaasabada ka hadlay Khaalid Maxamed Yaasir oo kamid ah dhageestaayaasha sida tooska ah uga xiran Idaacada Sanguuni waxuuna sheegay in barnaamijyada ka baxa Idaacada ay yihiin kuwa bulshada muhiim u ah.