Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xarunta farsamada gacanta Alight waxaa wax ka barataa in kabadan 60 arday oo dumar ah kuwasoo dhamaantod bartaan qeeebaha farsamada gacanta ee halkaas lagu dhigo.Goobtaan lagu barto farsamada gacanta waxay noqotay goob dumarka deegaanka muhiim u ah wakhtigan.
Da,da dumarka goobtan wax ka bartaa waa mid isdhextaal ah waxay iskugu jiraan gabdho iyo hooyooyin kuwaasoo xaruntan farsamada gacanta ka bartaa dhowr qeybood oo kala duwan sida qurxinta dumarka harqaanka, karinta dharka iyo saabuun sameeska.
Macalin fadumo muhumed wayrax waa maamulaha xaruntan waana baro bartaa ardayda karinta dharka, harqaanka, sabuun sameeska iyo qeybo kaloo badan Macalin faadumo ayaa ka codsatay maamulka Deegaanka iyo hay’adaha samaflka in loo balaadhiyo dhismaha xaruunta maadaama aysan hadda heynin fasallo ku filan ardayda.
Dhanka kale Amaal abdi xakiin waxa ay bare ka tahay Xarunta farsamada gacanta Alight Radio Sanguuni ayay uga warbixisay muhiimada dumarka u leedahay xaruntan.
Sikastaba ha ahaatee xarunta farsamada gacanta ee alight ayaa ah mid muhiim u ah dumarka deegaanka dhoobley wallow goobtan qaadi karin ardayda ay macalimiintu rabaan in ay wax ka bartaan.
Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya