Maamulka iyo Howl wadeenada Idaacadda Sanguuni Oo U Dabaal Dagay Sanad Guuradii 2-AAD Ee aas aaska Idaacadda

0
447

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka iyo shaqaalaha Idaacada Sanguuni ayaa maanta u dabaal dagay sanad guuradii labaad markii la’aas aasay Idaacada.

Sanadkii 2020 bishii lixaad 15-keedi ayaa laga furey Idaacada Magaalada Dhoobley ee gobalka jubbada hoose Idaacada Sanguuni ayaa ah Idaacad ka shaqeysa arimaha bulshada.

Sanad guurada Idaacada waxa kaso qeyb galay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka socday Maamulka Magaalada Dhoobley.

Maamulka iyo bulshada Deegaanka ayaa si wada jir ah uga mahadceliyey Idaacada Sanguuni hormarada Deegaanka ay kusoo kordhisay iyo shaqo abuurka ay u sameysay dhalinyaro badan oo ku nool Deegaanka.

Waxay si gaar ah dad weynihii kasoo qeyb galay uga codsadeen maamulka iyo mas’uuliyiinta Idaacada in Idaacadu ay Tababaro aqooneed u furto dhalinyarada Deegaanka.