Maamulka Iskuulka Waamo ee Deegaanka Dhoobley oo kawarbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen Imtixaanka Qaranka

0
332

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ardayda wax kabarata iskuulada magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa xilligani ku jira diyaar garowgii ugu danbeeyay xilli uu soo dhaw yahay imtixaanka shahaadiga ah.

Qaar kamid Ardayda dhigata iskuulka hoose dhexe iyo sare wamo kaas oo kamid ah iskuulada ku yala degaanka dhoobley  kuwaas oo u fadhisanaya sandakan imtixanka dawliga ayaa diyar garow ugu jiro sidii uga gudbi lahayeen imtixanka qaranka

Qaar kamid ah ardaydaasi ayaa inooga warbixiyay sida ay ugu diyar garobeen imtixanka dawliga iyagoo islamarkaana inoo sheegay inay rajeynayaan natijoo wanaagsan

Maamulaha iskuulka hoose dhexe sare ee waamo macalin xasan wali oo aan wareysi la yeelanay ayaa si kooban uga hadlay juhdigii ay galiyeen ardayda dhigata fasalka 12,aad iyo sida ay ugu diyaar garowbeen imtaxaanka shahaadiga ah.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa