Maamulka Hirshabeelle oo digniin adag u diray kooxo ciyaal weero ah oo dhibaato ku haya shacabka Jowhar

0
112

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulankan oo ahaa mid looga hadlayay amniga guud ee Magaalada Jowhar iyo kooxa ciyaal weera ah oo dhibaato ku haaya shacabka Magaalada ayaa ka qabsoomay xarunta Dowlada Hoose ee Magaalada Jowhar.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe Maamulka Degmada Jowhar iyo masuuliyiin ka tirsan laamaha Amaanka ee Magaalada Jowhar waxaa ayna digniin u direen kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ba’an ku haaya shacabka.