Maamulka Hir-Shabeelle oo Wafdi u diraya degmada Buulo-Burde

0
208

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah inay tagaan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Wafdi Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle waxaa qeyb ka ah Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil Ciidan.

Ujeedka socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay xarig jarka Taliska qeybta 27-aad oo degmada Buulo-burde uu ka daah-furidoono, kaas oo dhawaan halkaasi laga dhisay.

Maalmo kooban ayuu ku sugnaan doonaa Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed degmada Buulo-burde, isaga oo intaasi kadib soo aadi doono dhinaca magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka la helay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu isna degmada Buulo-burde uga sii gudbi doona degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo uusan tegin tan iyo markii la Magacaabay.