Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ku-Simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer ku tagay qeybo ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, xilli xalay magaalada Mugdisho ka da,ay roob xoogan oo saameyn ku yeeshay bulshada.
Guddoomiye Yabooh ayaa faray Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay u gurmadaan shacabka nugul iyo kuwa uu saameeyay roobka, isla markaana ee dar-dargeliyaan u adeegida Bulshada, waxa uuna dhinaca kale baaq u diray qeybaha kala gedisan ee Bulshada in ay isku gar-gaaraan, ayna ka war haayaan dadka nugul.
Maxamed Cali Samow. ayaa faah-faahinaya