Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Baay ee dhinaca Arrimaha Samafalka oo ay wehliyaan xubno kale ka tirsan Maamulka, ayaa Kormeeray Kaamamka ay degan yihiin Dadka Barakacayaasha Magaalada Baydhabo, si ay u Qiimeeyaan baahiyaha ka jira kaamamka oo ay ku noolyihiin dadka danta yar ah,kuwaas oo daruufo kala duwan ugu soo Barakacay deegaanadooda.
Mid ka mid ah Qoysaska ku nool Xeradaasi oo uu booqday Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Baay ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay la kulmayaan isagoona Codsadey in wax loo qabto.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa