Maamulka Dugsiga Axmed Bin Xambal ee Magaalada Kismaayo oo Faahfaahin Ka Bixiyay U Diyaar Garowga Ardeyda ee Imtixaanadka Shahaadiga ee Sanadkaan

0
264

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ardayda wax kabarata iskuulada degmada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa xilligani ku jira diyaar garowgii uga danbeeyay xilli uu soo dhaw yahay imtixaanka shahaadiga ah.

Maamulka iskuulka hoose dhexe sare ee Axmad binu xambal oo kamid ah iskuulaadka magaalada kismaayo ayaa si kooban uga hadlay u diyaar garowga imtaxaanka shahaadiga ah.

Imtixaannada ugu dambeeya waxay culeys badan ku yihiin ardayda badankood,xiligaas waxaa loogu talagalay inay ardayda u oggolaadaan inay muujiyaan inta macluumaad ee ay ka haysteen wixi la soo baray tan iyo markii waxbarashada bilaabeen.

Marka ay timaado diyaarinta, maaddo kastaa way ka duwan tahay tan kale, sidaas darteed waxaa looga baahan yahay ardayda inay ku takhasusaan xirfadahooda waxbarasho ee imtixaan kasta oo gaar ah.

Hadaba  Qaar kamid ah ardayda dhigata fasalka 12,aad ayaa ka warbixiyay u diyaar garowgooda ku aadan imtixaanka shahaadiga ah.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya