Maamulka Dhoobley oo ka hadlay halka ay mareysyo dhismaha wadada laamiga ah ee Degmada.

0
90

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bilicda iyo quruxda ay sameneyso Degmada Dhoobley ayaa noqoneysa mid dardar ku socoto taas oo ay sabab u yihiin bulshada ku Degmada iyagoo u guntaday sidii ay uga shaqeen lahaayeen Dhoobley inay noqoto Magaalo indhaha u roon.

Dhismaha waddo laami ah oo ku timid isku tashi bulsho ayaa noqon doonto hormar balaaran oo ay Magaalad Dhoobley ku taalaabsatay.

Guddomiye kuxigeenka Degmada Dhoobley Muqtaar Muxumed Sahal ayaa kawarbixiyay halka ay mareyso dhismaha wadada laamiga ah isagoo qurba joogta u dhalatay Jubbaland ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhismaha wadada.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa ka warramaya