Maamulka Degmada Wanlaweyn Oo dalbadey in Gurmad la gaarsiiyo dadkii ku barakacay Fatahaadii Webiga

0
69

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xili dhawaan Deegaano Hoos yimaada Degmada Wanlaweyn Ee Gobolka Shabeelaha Hoose uu ku fatahay Wabiga Shabeelle kaasi oo saameeyey Bulshada halkaas ku dhaqan iyadoo Qoysas badan ay Guryahooda ka barakeceen, waxayna xiligaan wahajahayaan Culeysyo dhanka Nolosha.

Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn Cabdaxakiin Cabdullahi Oo la hadlaayey Warbaahinta ayaa kawarbixiyey xaalada Nololeed ee dadkii ku barakecey Fatahaada Wabiga, Guddoomiye Cabdixakiin ayaa Xusey in dadkaas xaalad adag ay halkaas ku heysata isagoo Hay’addaha iyo Maamulka ka dalbadey in gurmad lala soo gaaro.

Xasan Maxamed Cabdullahi.ayaa kawarameysa