Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha jubbaland Axmed Mohamed islam oo ka dulaayo hormarinta deegmooyinka jubbaland ayaa 23kii Feb 2022 deegmada kismaayo ka dhagax dhigay mashruuca dhismaha wadooyinka laami ah oo ka kooban 31 km qeybtii ugu horeysey oo ka kooban 8km iyaadona dhismaha wadooyinka kismaayo ay ka bilowday shirka shiinees ah.
kampanigan qaatay dhismaha wadooyinka lamiga ah ee degmadu yeelaneyso ayaa kismayo ka bilawdey dhismaha wadooyinka iyadona dhismaha laga soo bilaabay halka dhagaxa laga qoodo ee kismaayo ka xigaa dhanka waqooyi.
wadayasha gaadidka iyo guud ahaan shacabka degmada kismaayo ayaa bahii weyn u qaba helidda wadooyin laami ah oo ay yeelato deegmada kismaayo oo markii hore lahayd hal laami
Rashiid Abdi Ibraahim guddomiye ku xigeenka deegmada kismaayo oo warbahiinta la hadaley ay wax u sharaxay sida ay u socdaan dhismaha wadooyinkasi.
Guddomiye ku xigeenka deegmada kismaayo Rashiid Abdi Ibrahiim ayaa baaq ku aadan la shaqeynta masuuliyinta wada dhismaha waddoyinkasi u direy shacabka degmada kismaayo.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan ku eegeysa