Maamulka Degmada Kismaayo oo dib u soo celinayo Astaamihii magaalada

0
90

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada hoose waxaa mudooyinkii la soo dhaafay ka socday dhismaha laamiya si casriya loo dhisay kuwaas oo soo dhamaaday Wajigii kowaad islamarkaana lagu xiray leerasha Cadceedda ku shaqeeyo ee loo yaqaano Solarka, kuwaas oo qeyb weyn ka qaatay bilicda Magaalada Kismaayo, iyadoona wali ay socdaan dhismaha Wajiga labaad ee mashruca nagaad ee laamiyada kaas oo meel wanaagsan maraya.

Maamulka Degmada Kismaayo oo ka duulaya qurxinta iyo bilic soo celinta Magaalada ayaa bilaabay hirgilinta iyo dhisida astaamaha taariikhiga ah ee Kismaayo caanka ku tahay iyadoona qaarkood la dhisay kuwa kalena uu socda qorshahooda.

khadar Axmed Salaan.ayaa fah-faahinaya