Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarah Cabdi Macalin ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Degmada oo ay kaqayb galeen Guddoomiye kuxigeenka Degmada mudane Shaafici Cabdi Jaamac,Xoghayaha Degmada,saraakiisha amniga,gudoomiyaha dhalinyarada,xildhibanada golaha Deegaanka qaarkood iyo agaasime waaxeedyo.
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray sidii loo xooji lahaa amniga Degmada iyo deegaanada hoos yimaada si looga hortago wax walba oo caqabad kunoqo kara amniga.
Maxamed Cali Samow.ayaa fah-faahinaya