Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Degmada Beled-xaawo Cabdirashiid Cabdi Caroog iyo masuuliyiinta maamulka Degmada ayaa olole nadaafadeed ka sameeyey qaar kamid ah xaafadaha degmada.
Guddoomiye Caroog ayaa bulshada degmada Beled-xaawo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nadaafadda guud ee degmada maadaama lagu guda jiro xili roobaad waxaana uu sido kale uu ka hadlay xaalada ay wajahaan Bulshada Gobalka Gedo taasi oo ka dhalatay Fatahaada El-Nino isagoona ugu baaqay Bulshada Degmada Beledxaawo in ay gurmadaan Dadka Walaalahooda ah ee ku dhibaateysan Gobalka Gedo.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya