Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed ay inta badan shaqa la’aan yihiin ayaa Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo waxaa ay shaqa abuur u sameysay ku dhawaad 50 dhalinyaro oo laga soo kala xulay xaafadaha Magaalada Baydhabo kuwaas oo qeyb ka noqon doono shaqaalaha waaxda Caafimaadka Dowlada Hoose, Waxayna ka howlgali doonaan dhamaan Xaafadaha Magaalada.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaalada Cabdullahi Cali Watiin ayaa Dhalanyarada ku booriyey In ay ka faa’iideystaan Shaqa Abuurka waxaa uuna Balanqaadey in maamulka Degmada uu Shaqaaleysiin doono dhalanyaro intaan ka sii badan.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa